Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa nin hubeysnaa oo xalay rasaas ku furey goob ay ka socotay Xafladd aroos ah deegaan ka tirsan Gobolka Mudug.
Falkaan ayaa ka dhacay Deegaanka Lalubshe ee Gobolka Mudug.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ninka hubeysnaa ayaa la sheegay in madaxa loogu jirey,islamarkaana uu rasaas ku furey goobta xafladda arooska ay ka socotay.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay, mid kalana wuu ku dhawacmay falka ka dhacay Deegaanka Lalubshe ee Gobolka Mudug.

