Kooxo hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatadda Dalkaas.
Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Khayelitsha ee duleedka Magaalada Cape Town.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Ala Ha U Naxariistee Cabdifitaax Axmed Oogle ,waxaana rasaasta lagu weeraray ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirka.

