DEG DEG:Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Oo Qof Shacab ah ku toogtay Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya Isgooska Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolka Bnaadir ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada Dowladda uu Qof shacab ah ku dilay halkaasi, sida ay Idaacada Simba usheegen dad goobjoogayaal ah.
Askari ka tirsan Ciidamada dowlada oo ku sugnaa Isgooska Tarabuunka ayaa la sheegay in si bareer ah oo utoogtay Qof Shacab ah, waxaana la sheegay in toogashada ka hor uu muran dhex maray Askariga iyo qofka Shacabka ah.
Goobjoogayaal ku sugaN halka uu dilka ka dhacay ayaa Idaacada Simbada usheegay in Askariga oo dhowr xabad ku dhuftay qofka Shacabka ah, islamarkaana uu ugeeriyooday .
Askariga dilka geestay ayaa goobta iskaga baxsaday waxaana meesha uu dilka ka dhacay ka ag dhawaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.
Meydka Qofka Shacabka ah ayaa loo qaaday xarunta danbi baaritsa ee CID, waxyna laamaha ammniga ay sheegen inay baari doonan dilkan waxa sababay ayna gacanta ku soo dhigi doonan askariga dilka geestay.
Si kastaba ha ahaate Askarta ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa inta badan si bareer ah dil ugu geesta dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here