Wararka ka imaanaya Magaaladda Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in Nin hubeysnaa uu toogasho ka geystay xarun dalka lagu dhaqan celiyo oo ku taala gudaha Magaaladda.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ninka hubeysnaa ayaa maalmihii dambe ku xirnaa xarunta dhaqancelinta,wuxuuna dalbaday maanta in la fasaxo si Magaaladda uu arrimo ugu soo qabsado,kadibna soo laaban doono.
Soo laabashadiisa ayuu soo qaatay Qori AK47 wuxuuna toogtay Macalinkii xarunta dhaqan celinta oo lagu magacaabi jirey C/fitaax, wuxuuna ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.
“Walaalow xarunta dhaqan celinta ayaa ku taala Magaaladda Cadaado,ninka maalmihii dambe ayuu ku xirnaa maanta ayuu fasax qaatay,balse 5-daqiiqo kadib wuxuu yimid isagoo watay qori wuxuuna dilay Macalinkii Xarunta wuuna baxsaday”, ayuu yiri Goobjoogaha.
Maamulka Magaaladda cadaado ee galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in falka geystay gacanta lagu dhigay,islamarkaana sharciga la horgeyn doono.

