Ciidamadda NISA ayaa gacanta ku dhigay Xubno ka Tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya,kadib howlgal ay ka sameeyeen Magaaladda Muqdisho.
War qoraal ah oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in 19-ka November 2018 ciidamada amniga Muqdisho ay ku qabteen xubno ka tirsan kooxda ISIS.
“Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho ka soo qabtay xubno ISIS ah, hawlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax ku noqon u fulay, soo qabashada xubnahan ayaa dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena”. sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda NISA ay ku baahisay Twitter-ka.

