Guddiga Doorashada KGS oo Ka Jawaabay Cabsho Kasoo Yeertay Musharxiinta+Dhageyso

0

 

Guddiga doorashadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay cabasho kasoo yeertay Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Maamulkaas.

Nuur Ibraahim Cusmaan oo kamid ah Guddiga Doorashadda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in la xaliyay inta badan tabashooyinka Musharixiinta u taagan Xilka madaxweynaha, islamarkaana ay iska jiri keenaan waxyaala iska yar yar.

Dhanka kale waxa uu sheegay in howsha guddiga halkeeda laga sii wadi doono,islamarkaana maanta qaar kamid ah Musharixiinta la gudoonsiin doono Shahaadda Musharaxnimadda.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xili maalmihii dambe ay cabasho kasoo yeeraysay qaar kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo doorashadiisa ay dhici doonto 28-ka bishaan November.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here