Kooxo Hubeysnaa ayaa goordhaweyd Isgosyska Baar U Bax Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir waxa ay ku toogteen Labo ruux.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal kooxo ku hubeysnaa bastooladdo ayaa toogtay labo kamid ah shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo xiligaas sii galayay Masaajid ku yaala Isgoyska Baar u bax
Goob-joogaha ayaa sheegay in rasaasta ay rideen kooxaha hubeysnaa ay sababtay dhimashada mid kamid ah shaqaalaha Hormuud, mid-na uu dhaawac culus uu soo gaaray, goobtana laga qaaday.
Shaqaalaha la weeraray ayaa kala ah Daahir Nuur karaane oo goobta ku geeriyoday,Iyo Gurey oo kamid ah ilaaladda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo dhaawac uu soo gaaray.
Dhanka kale rasaasta waxaa ku dhaawacmay Haweeney qaad iibinaysay.
Goobta uu falkaan ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Afhayeenka Booliska Gobolka banaadir,waxaana sidoo kale goobta ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda federaalka Soomaaliya.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda falkaan.





