Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa caawa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Afhayeenimo ee wasaaradda Amniga Taariikhda mar ay aheyd 7/7/2018-kii.
Sababta iscasiladiisa ayuu ku sheegay kadib weerarkii Xarakadda Shabaab ay ku qaadeen Xarumaha Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.
“Anigoo ka jawaabaya qoraal uu hadda i soo gaarsiiyay Xoghaynta wasiir AMNIGA oo ku saabsan Qoraal la been abuuray in uu soo baxay 05/July/2018 in laga iga qaaday Xilkii Afhayeenka wasaaradda amniga, waxaan shacbiga Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan u gudbiyay in aan iska casilay xilkaasi 07/07/2018 ka dib weerarkii lagu soo qaaday Xarunta wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha markii aan isugu tagnay Taliska NISA ee gobolka Benaadir, halkaas oo ay joogeen saraakiil ka tirsan dowladda”,ayuu yiri Xildhibaan.
C/Casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan) ayaa Shalay si kulul uga hadlay weerarkii Sabtidii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaasha Xarumaha Wasaaradaha amniga iyo Arimaha Gudaha Somaliya,wuxuuna eedeen dusha ug tuuray Madaxda Dowladda Soomaaliya.

