Faah-faahin:-Cabdi Culusow oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Degmadda Xamar Jajab ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen Nin Oday ahaa oo aad looga yaqaanay degmadaas.

Dilka ayaa ka dhacay meel ku dhow masjidka Xaaji Rajab Xaafadda Suuq Yaraha ee degmada Xamar Jajab.

Goob-joogayaal ayaa idaacadda Simba waxay u sheegeen in Odeyga oo lagu magacaabi jirey Cabdi Culusow lagu dhuftay dhowr xabadood islamarkaana uu isla goobta ku geeriyooday.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday waxaana goobta soo gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Somaaliya oo goobta ka sameeyay baaritaano.

Dhanka kale Maamulka degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir weli kama aysan hadlin dilkaan xalay ka dhacay gudaha degmadaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here