Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda dalka ka jira inay ku wadaan Maamulkiisa weerar iyo cunaqabateyn.
Biixi oo ka hadlayay Munaasadda maalinta Xuriyadda 26-ka June ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ay xiligaan ka mideysan yihiin cunaqabateyn la saaro Maamulka Somali-land,islamarkaana taasi aysan dhici doonin.
Madaxweynaha Somaliland, waxa uu farriin u diray dawladda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay inaan loo baahnayn curinta colaado cusub.
“Dhammaanba dadka Af soomaaliga ku hadla waxan leeyahay Somaliland waxa ay doonaysaa nabad, Soomaaliya-na waxan leeyahay way inaga duntay dawladdii, 27-sano oo silic, rafaad, dhimasho iyo waxbarasho la’aan ahna waynu ku jirnay, umana sii baahnin colaado kale oo aynu beerno.”
Hadal Madaxweynaha Maamulka Somali-land Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmaya xili Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday in ah cusboonaysiiso heshiiskii deeqaha sida tooska loogu siin jirey Maamulka Somali-land, kaasi oo la saxiixay sanadkii 2013-kii.

