Dowladda Qatar oo Gargaar Gaarsiisay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku Nool Kenya

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in deeqo kala duwan ay la gaareen Qoxootiga Soomaaliyeed ee kunool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab dalka Kenya halkaa oo lasheegay in dhibaatooyin kala duwan ay heysatay qoysas kaasi kunool xeradaasi.

Hay’ad samafal oo laga leeyahay dalkaasi qadar islamarkaana kashaqeysta arimaha samafalka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaan  (QC)  ayaa sheegtay in kudhawaad 1,000 qoysas soomaali ah oo mudo kunoolaa xeradaasi ay lagaareen gar gaar bani’aadanimo oo ay kamid yihiin cunooyin kala duwan.

Hay’adan laga leeyahay dalkaasi qadar ayaa sheegtay in arintani ay lakaashadeen hay’adda qaramada midoobay uqaabilsan arimaha qaxootiga ee (UNHCR) maadama ay sibuuxda umaamulaan xeradasi ay kujiraan qaxootiga soomaaliyeed ee mudo dhowr iyo labaatan sano kunoolaa xerada ugu qeyn dunida ee dalka Kenya.

Dhinaca kale hay’adan fadhigeedu yahay magaalada Doha ee dalka qadar ayaa carabowday laga soo bilaabo bartamihii bishii April ay qarash gareeyeen lacag dhan 9.6 million oo dolarka marekanka ah kuwaa oo lagu caawinayay qaxootigaasi.

Qaar kamid ah qaysaskii la siiyay deeqdan ayaa aad ugu mahad celiyay dowlada qadar gar gaarka ay waqti kasta lagab taagan tahay qaxootiga soomaaliyeed iyagoona dhanka kale sheegay in deeqdan ay isugu jireen bariis, sokor, bur, saliid, iyo caano, oo ay sheegeen in ay aad ugu baahnaayeen deeqdan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Scroll to Top