Doon siday daroogo aan tankeeda la sheegin ayaa dhawaan si dhuumaaleysi ah ugu soo xiratay Dakadda macmalka ah ee Hobyo oo hada la qorsheynayo in balaarin iyo dib u dhis xoog leh lagu sameeyo kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay dabayaaqada sanadkii dhaamaday.
Gudoomiyaha dagmada Hobyo ee dowladd goboleedka GalMudug C/laahi Faat oo la hadlay barnaamijka bartilmaameedka ee ka baxa idaacadda Simba ayaa sheegay inay ciidamada amniga ka howlgala Dakada Hobyo gacanta ku dhigeen maandooriyaha loo yaqaano xashiishka taas oo si dhuumaaleysi ah Dakadda looga soo dajiyay wuxuuna xusay in doontii waday ay baxsatay kadib markii ay rarkii iska dajisay.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay hada baaritaano wadaan halkii ay doonta ka timid iyo cidii ay usoo dagtay Muqaadaraadkaasi Xashiishka ah wuxuuna fariin culus oo xambaarsan digniin u diray dadka danaha deegaanka baa,bi inaya isagoo ugu hanjabay inay xiri doonaan.
Ugu dambeyntii xashiiska ayaa lagu gubay fagaaro ku yaalo Degmadda Hobyo ee Gobolka Mudug.