Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Xildhibaano Ka Tirsanaa Hir-shabeelle.

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay Geeridda Labo Xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaanka Hir-shabeelle oo lagu dilay shalay weerar qorshaysnaa oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Anigoo Ku hadlaya magaca Golaha Shacabka Soomaaliyeed iyo Dhammaan Umadda Soomaaliyeed waxaan Ka tacsiyadeynayaa Geeridii Ku timid Walaalaheen iyo Saaxiibadeen Ismaaciil Muumin Iyo Shekh Daahir Oo labaduba ka tirsanaa Barlamaanka Dawlad Goboleedka Hirshabeele

Gaar ahaan waxaan tacsida iyo Xanuunka La Qeybsanayaa Eheladooda Xillibaanadda Hir shabeele Iyo Dhammaan Shacabka Hir shabeele Waxaan leeyahay samir iyo Iimaan Alle ha idinka siiyo Ayagana Janatull Fardawsa Alle Haka Waraabiyo

Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here