Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen labo Wiil oo dhalinyaro ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay isgoyska Bakaaraha,waxaana loo geystay labo wiil oo dhalinyaro ahaa oo gaadiidka shacabka ka qaadi jirey lacago.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa fuliyay dilka Labadda wiil ee dhalinyaradda ahaa,waxayna durbadiiba ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Daqiiqado kadib waxaa goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo goobta ka sameyay baaritaan.
Xalay xiligii afurka kadib waxaa sidaan oo kale goobta loogu dilay labo wiil oo dhalinyaro ahaa.

