Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorad ayaa fariin adag u diray qeybaha kala duwan ee ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya,asagoo wax laga Xumaado ku tilmaamay iska hor imaadyada saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Gen.Godar ayaa cadeeyey inaan loo dulqaadan doonin iska hor imaadyada dhexmaraya Ciidamada Xasilinta Caasimadda iyo Militariga Qaranka oo Shalay iyo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa Ciidanka Xoogga ugu baaqay inaysan soo galin Magaalada Caasimada ah ay ka howlgalaan ciidamo gaar ah oo loo xilsaaray Xasilinta Xamar,waxaanu ka dalbaday in Ciidanka Militariga Hubkooda iyo gaadiidkooda aan laga soo saarin Xeryahooda.
Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Xooga ayaa sheegay in askarigii amar la’aan hub la soo gala Magaaladda uu qaadi doono mas’uuliyada wixii soo gaara.

