War Deg Deg:-Qaraxyo Bam-Baano oo Lagu Weeraray Saldhigyo Ku Yaala Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa bambo Gacmeed waxa ay ku weerareen fariisin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Isgoyska Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Goob-joogayaal ayaa idaacadda Simba u sheegay in Labo Dhalinyaro ah ay Ciidamadda bambadda ku tureen,islamarkaana ay kadib goobta ka baxsadeen.

Dhanka kale bambadda kadib Ciidamadda Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa furay rasaas fara badan oo aan la ogeyn khasaaraha ay dhalisay.

Dhanka kale Rag hubeysnaa ayaa labo Bambo Gacmeed ku weeraray Saldhiga Laanta Degmadda Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Ciidamadda amaanka ayaa haatan wada baaritaano, sida goob-joogayaal ay inoo sheegay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here