Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh cusmaan jawaari ayaa goordhaweyd iscasilay.
Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya C/wali Shiikh Ibraahim muudey ayaa Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ka hor aqriyay Warqada is Casilaada Gudoomiye Jawaari uu soo direy.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ku qanciyay jawaari in uu iscasilo, kadib kulamo uu la qaatay.
Jawaari ayaa arbacada Golaha shacabka kaga dhawaaqi doono iscasilaadiisa.

