Bankiga aduunka (World Bank), ayaa soo bandhigay war bixin sanadla ah oo lagu qiimeeyo wadamada sameeyay ganacasiga iyo kororka dhaqaale sanadkii la soo dhaafay.
Daraasadan oo laga sameeyay 190 wadan oo ku yaalo caalamka, ayaa waxyaabaha wadamada lagu qiimaynayay waxaa ka mid ahaa, hababka kala duwan ay wadamadu u abuuraan ganacsiga, sharciyadda maalgashiga, nidaamka xisaabaadka ganacsiga, wax soo saarka iyo bixinta daymaha lagu leeyahay wadamadaas.
Warbixintan uu soo saaray bankiga aduunka (World Bank), ayaa waxaa lagu sheegay in kaalinta 1’aad uu galay wadanka New-Zealand, oo lagu amaanay in uu yahay wadan horumar balaaran ka sameeyay dhanka ganacsiga, iyo bixinta canshuuraha.
Wadamada daraasanadan laga sameeyay oo aad u badnaa ayaa waxaa xusid mudan in wadanka ugu hooseeyo uu yahay kan 190’aad oo ah dalka Soomaaliya, oo lagu sheegay in uu yahay wadan ay daashadeen xaaladdo siyaasadeed oo aanan fadhinin, dhaqaalo xumo, iyo cabsida laga qabo kooxaha islaamiyiinta oo aanan meesha ka marneen.
Inta badan soomaaliya kama kaynto natiijo fiican qiimaynta ay sameeyaan hay’adaha caalamiga ah ayadoona la’ug soon yahay in 21’kii feberaayo ee isla sanadkan warbixin ay soo saartay hay’adda Transparency International, oo ay ku sheegtay in soomaaliya ay kamid tahay wadamada ugu musuq maasuqa badan dunida wallow wasaaradda maaliyadda soomaaliya ay warbixintaasi ka hor timid.

