Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo Xaqiijiyay Iscasilaadiisa

0

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa caawa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu iska-casilay xilkii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahiyo sababta rasmiga ah ee uu isku casilay.

Jawaari oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in is-casilaaddiisa ay salka ku hayso sidii uu baarlamaanka uga badbaadin lahaa burbur, mana uusan ka hadlin tallaabada xigta ee uu qaadan doono.

“Kulanka baarlamanka Somalia uu yeelan doono Arbacada soo socota ayaan ka hor-jeedin doonaa is-casilaaddeyda,” ayuu si kooban u yiri Jawaari oo aan sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysa iscasilaaddiisa.

Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu Prof. Jawaari ku xaqiijiyo inuu xilka guddoonka baarlamaanka iska-casilay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here