War Deg Deg:-Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo Xilka Laga Qaaday

0

War goordhaweyd soo gaaray idaacadda Simba ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ururka 60aad ee ciidanka Ilaalada Madaxtooyada G/sare Axmed Maxamed Cali (Afcadeey), islarmarkaana lagu badalay Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Odawaa oo horay u ahaa Abaanduulaha Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada.

Afcadeey ayaa lagu eedeeyay in uu ku fashilmay in ciidanka uu u taliyo ka hor istaago in ay galaan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya maalintii shalay aheyd,islamarkaana ay ilaalo u noqdaan Gudoomiye Jawaari.

Taliye Afcadeey ayaa xilka Taliyaha Madaxtooyada dib loogu magacaabay sanadkii hore, markii xilka Madaxweynaha loo doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu horay dowladdihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu ahaa Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here