Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Degmadda Wadajir Gobolka Banaadir

0

Inta la xaqiijiyay 1-askari ayaa ku dhaawacmay kadib markii caawa qarax Miino uu ka dhacay Xaafada Dan wadaagta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Masaajidka Culusow.

Sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane, waxaa qaraxaan lala beegsaday Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada Degmada Wadajir, waxaa la sheegay in uu ka badbaaday.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya, waxayna wadaan baaritaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here