Korneyl Ceynte:-“Awoodii Al-shabaab ay Lahaayeen Wali Way Muuqaataa”,+Dhageyso

0

Korneyl Salaad Axmed Ceynte oo ah khabiir ka faalooda arimaha amniga kana mid ahaa Taliye ku xigeenkii ciidamada sirdoonka Xukuumadii Kacaanka ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare oo la hadlay barnaamija Bartilmameedka ee kabaxa idaacada Simba ayaa sheegay in wali ay muuqato awoodii Xarakadda Al-shabaab.

Korneylka ayaa tusaale u soo qaatay in Alshabaab caasimada Magaaladda Muqdisho ay ka sameeyan wixii ay doonaan.

Axadii shalay weerar qaraxyo ku bilowday ayey dagaalmayaal ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen  saldhiga ciidamada midowga afrika Amisom ay ku lahayeen dagmada Buulmareer ee  Gobolka Shabeellada Hoose waxayna Al-shabaab sheegeen in 59 Askari Yugandhees ahaa inay weerarkaasi ku dileen.

Al-Shabaab ayaa seddex baabuur oo qaraxyo ka buuxeen u adeegsaday weerarka  waxayse qirteen  in dagaalka looga dilay 14 dagaalame oo qeyb ka aha kuwii weerarka qaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here