Raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeeray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kheyre waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, ku xigeenadiisa, Taliyaha ciidanka Booliska iyo wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaliya.
Raisulwasaare Kheyre ayaa si gaar ah u kormeeray degmooyinka Xamar Weyne iyo Shibis ee Gobolka Banaadir, isagoo halkaas kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshadda gaar ahaan dadkii ku Ganacsanayay degmooyinkaas.
“Kormeer aan kusoo maray qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaan kusoo arkay shacab jecel dawladdooda, waxaan u sheegay inay la shaqeeyaan saraakiisha amniga ee wakhtiga badan ku bixinaya sugidda amniga si looga guulaysto Cadawga Soomaaliyeed” ayuu yiri Kheyre.




