War kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari),ayaa lagu beeniyay warar sheegaya in gudoomiyaha iscasilayo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in warkaas uu yahay been abuur lagu marin habaabinayo dadka, wuxuuna umadda Soomaaliyeed uga mahad celiyey sida ay u garab taagan yihiin Sharciga.


