Muudey oo Soo Saaray Amar ah in aan Wax Hub iyo Ciidan Lala Geli Karin X-Golaha Shacabka

0

Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka C/wali Shiikh Ibraahim muudey ayaa qoraal uu soo saaray ku amray Ciidamadda sugaya amaanka Xarunta Golaha shacabka maalinta bari ah aysan ogolaan In hub iyo Ciidan gudaha xarunta barlamaanka lala soo galo.

Qoraalka Muudey ayaa lagu sheegay in Gudoomiyaha mooshinka ka yaalo uu lamid yahay xubnaha kale ee baarlamaanka.

Muudey wuxuu ciidanka Ku amray in furayaasha albaabada xarunta laga soo galo ay gacanta Ku hayaan oo masuul ka yihiin.

Warqada ayaa loo kala direy Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida, Taliyaha Ilaalada Xarunta Baarlamaanka ee AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here