Qarax gaari lagu xirey ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay meel ku dhow isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in lala eegtay gaari ay la socdeen shaqaale u shaqeeya mid ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka.
Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa.

