Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee lagu waday in maanta oo Arbaco ah uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa dib u dhacay.
Inkastoo aysan mas’uuliyiinta qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada shaacinin baaqashada shirka, ayaa hadana waxaa soo baxaya warar ku aadan in shirkaan uu u baaqday khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka jira.
Golaha Amniga Qaranka ayaa war muriyeed ka soo baxay kulankoodii Lixaad ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, 6-10 Feebaraayo 2018 ku shaaciyay in 28-ka bishaan ay Madaxda ay shir ku yeesheen Magaalada Baydhabo, islamarkaana shirkaas diiradda lagu saaro heshiiyo qaybsiga khayraadka oo dhammaystiran, iyo hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo sannadka 2020-ka.

