Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay kulan ku yeesheen mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Gedo iyo madaxda amniga Kenya ee gobolka.
Kulanka ayey labada dhinac kaga xaajoodeen arrinta ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhisayso xudduudda labada dal u dhaxaysa, kaasoo todobaadyadii u dambeeyey sababtay in banaabaxyo ay ka dhacaan dhanka Beledxaawo.
Kulankaan oo ay dowladda Soomaaliya u xil saartay Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan C/Nuur (Janan) iyo ku xigeenkiisa, waxaana dhinaca Kenya uga qeyb galay Isu-duwaha ammaaka Woqooyi Bari Maxamuud Saalax.
Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa in la joojiyo dhismaha Derbiga si KMG ah inta madaxda dowladaha labada dal ay iska arkayaan.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Adan ayaa sheegay in kulanka is afgarad ku dhammaaday la iskuna afgartay in la joojiyo Derbiga laga dhisayo Mandheera iyo Beledxaawo inta labada dal ay iska arkayaan.

