Faah-faahin:-Qarax Gaari oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo Galabta ka dhacay Isgoyska  Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa la sheegay in gaarigiisa loogu xirey nin magaciisa lagu soo koobay Cabdixafiid, oo la shaqeeya mid ka mid ah hay’adaha gar-gaarka Magaalada Muqdisho, islamarkaana qaraxa uu ku dhaawacmay.

Xaaladda Cabdixafiid, ayaa la sheegey in ay liidato, iyadoo ay dhaqaatiirtu hadda la tacaalayaan.

Dhanka kale Saddex ruux oo shacab ah islamarkaana goobta marayay ayaa ku dhaawacmay qaraxaan.

Meesha uu qaraxa ka dhacay waxaa daqiiqado ka dib xiray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo rasaas kor u ridayay.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa ka Dhacay magaalada muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here