Maxamed Nuur oo ah Muwaadin Soomaaliyeed kana mid ahaa booliska magaaladda Miniyaabulis ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu si U la kac ah u dilay bishii july ee sanadkii aynu ka soo gudubnay haweyney lagu maga caabi jirey Justine Ruszczyk Damond.
Xeer ilaaliye ka socda degmada Hilibin ee katirsan magaaladda Miniyaabulis ayaa Maxamed Nuur ku soo eedeeyay labo faldambiyeed oo dil ah, kuwaas oo kala ah dilka darajada 3’aad iyo dilka darajada 2’aad oo labada ah faldambiyeedyo Qatar ah sida uu VOA u sheegay Qareen Cabdi Waxiid Sheekh.
Baaritaanada uu xeer ilaaliyaha ku hayay Maxamed nuur ayaa soo bilowday bishii July sanadkii 2017 markaas oo la sheegay in haweyneyda lagu magacaabo Damond ay ku dhimatay xabad uu riday Maxamed Nuur oo ah muwaadin Soomaaliyeed.
Damond ayaa ahayd 40 sano jir asal ahaan ka soo jeeday dalka Australia taas oo la sheegay in 15-kii July uu dil toogasho u gaysatay Maxamed Nuur oo katirsan booliska magaaladda Miniyaabulis.
Qareen Cabdi Waxiid Sheekh, ayaa sheegay in hadii fal dambiyeedyadan lagu soo eedeeyay Maxamed Nuur ay ka dhalan karto ciqaabo adag, hadii lagu helo dambiga darajada 3’aad waxa uu muteesan karaa Nuur xabsi aanan ka yareyn 25 sano, hadii lagu helana dambiga darajada 2’aad ayaa sidoo kale waxa uu mutaysan karaa xarig aanan ka yarayn 10 sano iyo ganaax gaaraya $20,000.
Qareenada difaacaya Maxamed Nuur ayaa dafiray dhamaan eedeymihii loo soo jeediyay.

