Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar Ciidamada Dowlada ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku qaadeen Fariisimo Al-shabaab ay ku leeyhiin Duleedka Dagmada Marka.
Dagaalka oo saacado kooban qaatay ayaa qaxaa ka dhashay Khasaaro iskugu jira dhimasho Dhaawac,Waxaana Weerarka qaaday Ciidamada Dowladda.
Saraakiish Ciidamada Dowlada Ee Gobolka Shabeelaha ayaa sheegay in ay maqleen In Al-shabaab ay Dhaq-dhaqaaq ciidan ka wadaan gudaha dagmada Iyo duleedkeeda didaasina uu Weerarka ku bilowday.
Kornel Maxamed Ciise Oo Kamid ah saraakiishada Ciidamada Dowlada Ee G/Sh/Hoose oo Lahadlay Idaacada Simba Ee Magaalada Moqdisho ayaa Faafaahino Ka bixiyay Dagaalka Al-shabaab ay ku qadeen Fariisimaha Al-shabaab ay ku lahaayeen Dagmada Marka Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wali Al-shabaab Kama aysan hadlin guulaha Ciidamada Dowlada ee Sh/Hoose ay ka sheeganayaan Dagaalka Ka dhacay Dagmada Marka.

