Dalxa:-“Baarlamaanka Looma Abuurin Xukuumadd Lee Inuu Xilka Ka Qaado”,+Dhageyso

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay mooshinka laga wado Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Dalxa ayaa sheegay mooshinka laga wado jawaari uu yahay mid sharci ah, islamarkaana ay soo dhaweynayaan go’aankii uu qaatay gudoomiyaha ee ahaa in uu aqbalay Mooshinka.

“Dadka Soomaaliyeed marar badan ayaa la marin habaabiyay, baarlaamanka Soomaaliya waxaa ku dhex jira kuwa yar oo wax khasaaya,baarlamaanka Soomaliya looma abuurin in uu xilka ka qaado oo kaliyah Xukuumadda federaalka Soomaliya, xitaa hadii Madaxweynaha qalad uu galo oo Mooshin laga keeno xilka waa laga qaadayaa,Xildhibaanadda Mooshinka wada waa kuwa ka hadlaya rabitaankooda”, ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaliya uu ku shaqeynayo xaalad adag, islamarkaana sanadihii ugu dambeeyay la dilay xildhibaano badan kuwaasi oo qaranka u adeegayay.

Maalmihii dambe waxaa cirka isku sii shareeray xiisada ka dhalatay Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari, iyadoo ugu dambeyntii uu gudoomiyaha aqbalay Mooshinka.

Dhanka kale Shalay waxaa Magaaladda Muqdisho kulan ku yeeshay xildhibaano tiro ahaan lagu sheegay 197 xildhibaano kuwaasi oo gudoomiyaha ugu baaqay in uu iscasilo ka hor codeynta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here