Akhriso:-Madaxweynaha Soomaliya Iyo Gudoomiye Jawaari oo Xalay Kulan Gaar ah Yeeshay

0

Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo afhayeenka baarlamaanka Soomaliya Maxamed Shekh Cismaan Jawaari  ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay dajinta  xasaradaha siyaasadeed ee taagan iyo in nidaam sharciyeed loo dhameeyo mooshinka ka yaala gudoomiye Jawaari.

Sidoo kale waxay labada masuul kawada hadleen oo ay kulankooda qaaska ah ku gorfeeyeen in  codeynta mudadii loogu talagalay ay ku dhacdo taas oo ka bilaabaneysa maalintii mooshinka la keenay sida xeer hoosaadka baarlamanka uu tilmaamayo.

Afhayenka ayaa ogolaaday in codka kalsoonida loo qaado balse waxa uu codsaday in codeynta ay ka dhacdo meel amnigeeda uu suganyahay marqaati ahaana ay joogaan Xildhibaanada aqalka sare bulshada rayidka iyo culimada si buu yiri ay arinta u noqoto mid daah furnaan ah  sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka ag dhawaa goobta kulanka uu ka dhacay .

Si xilka looga qaado gudoomiyaha baarlamaanka Soomaliya Maxamed Shekh Cismaan Jawaari ayaa u baahan saddex meelood laba meel tirada xildhibaanada inkastoo durbaba ay bilowdeen olole iyo xod xodosho loogu jiro in qolo waliba  ay hesho tiro ku filan  si dhinac kastaba uu go,aankiisa u xajisto.

Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beenabeene oo kamid ah xildhibaanada aqalka hoose ka agdhow gudoomiyaha mooshinka laga keenay ee Jawaari ayaa warbaahinta faah-faahin ka siiyay kulankii xalay u dhaxeeyay Madaxweynha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

Hadii uu guuleysto mooshinka laga keenay gudoomiye Jawaari uu gudoomiyuhu heli waayo codka kalsoonida waxay taasi ka dhignaaneysaa waji cusub oo siyaasadeed maadama 30 kii sanadood ee la soo dhaafay dhaqanka dowladnimada Soomaaliya looga bartay inay is qabtaan madaxweyne iyo Ra,isalwasaare taas oo uu aakhirkii daaqada ugu bixi jiray raisulwasaaraha.

14kii bishaan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waxaa mooshin ka keenay in kabasdan 100 Xildhibaan .

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here