Aadan Madoobe:-“Jawaari Waa in uu Iscasilo, Ama uu Hor Yimaado Baarlamaanka Soomaliya”,

0

Xildhibaanadda mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaaladda muqdisho waxay ka hadleen Mooshinka ay ka wadaan Gudoomiyaha.

Xildhibaanadda oo tiro ahaan gaaraya 100-xildhibaan ayaa badankooda waxay Gudoomiyaha Golaha shacabka ay ku eedeeyeen in uu jabiyay Dastuurka dalka u yaala.

Sidoo kale Xildhibaanadda waxa ay sheegeen Mooshinka ay soo gudbiyeen inuu yahay mid waafaqsan sifaha sharciga ah ee dalka u yaallo eedeymaha ku qorana ay yihiin kuwa sax ah oo Gudoomiyaha lagu eedeeyay.

Xilibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka mid ah Xilibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo ka hadlayay Kulanka ay Xildibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday Gudoomiye Maxamed Sheekh Cimaan Jawaari in uu iscasilo, ama uu hor yimaado Baarlamanka Soomaliya maadama uu mooshin ka yaalo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in shalay Jawaari iyagu ay doorteen maantana ay garwaaqasaden in ay Mooshin xil ka qaadis ah ay ka keenaan.

Dhanka kale Wasiir Ciyaaraha iyo dhalinyarrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa cambaareysay qaabka guddoomiye Jawaari ula dhaqmay mooshinka laga keenay,waxayna sharci darro ku tilmaantay in Mooshinka lagu furo meel ka baxsan Golaha.

Wasiir Khajiido ayaa ku adkeysatay in mooshinka uu socon doono ilaa uu kalsoonida weynayo ama dib u soo laabanayo Gudoomiye Jawaari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here