Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaliya oo tiro ahaan gaaraya 107-xildhibaan ayaa saxiixay mooshin laga diyaariyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Xildhibaanadda ayaa Gudoomiye Jawaari ku eedeeyay xil gudasho la’aan, Ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.
Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/wali muuey ayaa si rasmi ah u qabtay saakay mooshin laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari).


