Mooshinkii Laga Keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo Guuldareystay

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Xarunta Villa Hargeysa ayaa ku waramaya in uu guuldareytay Mooshinkii laga keenay Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari).

Wararka ayaa sheegaya inuu jabay mooshinka kaddib markii uu dhameystirmi waayay tiradii loogu tala galay in mooshin ka geyso Guddoomiyaha oo ah 3/1 (seddex meel hal meelood).

Xildhibaano gaaraya 16 ayaa ka laabtay  Mooshinka, 91 Xildhibaan ay ku soo aruureen, sidaas darteedna loo baahnaa  92 Xildhibaan.

Inkastoo Guddiga Joogtada aanu wali soo saarin wax go’aan ah, hadana waxaa wali kulan uga socdaa xarunta Villa Hargeysa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here