Madaxweynaha Dowladda Soomaliya oo Ka Hadlay Wada-hadalka Maamulka Somali-land

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay arinta wada-hadalka Maamulka Somali-land.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan wada hadalladii ay Dowladda Federaalku la wadday Soomaaliland, ujeedkuna uu yahay in la gaaro mustaqbal wanaagsan iyo qarannimo ay ku faani karaan shacab Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, wixii khilaaf ahna waxaan ku dhammeyn doonnaa miiska wada hadallada insha Allahu.”

Dhanka kale Maamulka Somali-land ayaa sheegay in muddo bil ah ay dib u dhigeen dhankooda wada-hadalkii ay la lahaayeen Dowladda Dhexe ee Soomaliya, oo la filayay in lagu qabto dalka Jabuuti kadibna loo wareejiyo dalka Swizerland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here