Baarlamaanka Soomaaliya oo Bari Yeelanaya Kulan Loogu Hadlaayo Heshiiska Berbera

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maalinta bari oo isniin ah waxaa u furmi doona kalfadhigii 3-aad kulankii 1-aad.

Ajandaha kulanka maalinta bari ah ayaa ah 1. Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera iyo 2. Xeer Hoosaadka.

Maamulka Somaliland, Shirkadda DP World ee dalka imaaraadka Carabta, iyo Dowladda Ethopia ayaa wada saxiixday heshiis Seddex geesood ahaa kaasi oo ku saabsanaa dhismaha Dekadda Magaaladda Berbera.

Heshiiska DP World ee Dekeda Berbera ayaa xumeeyay xiriirka Soomaliya iyo imaaraadka Carabta kadib markii Maareeyaha Shirkadda uu sheegay in Soomaliya aysan shaqo ku leheyn arinta Heshiiska islamarkaana maamulka Somali-land ay Dowladd u aqoonsan yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here