Faah-Faahin:-Al-shabaab iyo Ciidamadda Dowladda oo Ku Dagaalamay Gobolka Gedo

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaano ku dhaw dhaw Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada Gariley iyo Faax Faaxdhuun oo ka Tirsan Degmada Baardheere.

Al-shabaab ayaa jidka u galay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya, waxaana intaas kadib qarxay dagaal labada dhinac u dhaxeeyay oo socday muddo saacad ku dhow.

Dagaalkaan ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Gudoomiyaha Deegaanka Faax Faaxdhuun Aadan Kheyre oo la socday kolanyada la weeraray ayaa sheegay in uu dhaawac fudud kasoo gaaray, sidoo kale askar katirsan ciidanka dowlada ku dhaawacmeen.

Dhanka kale Maamulka Gobolka Gedo iyo Al-shabaab ayaan wali ka hadlin dagaalka maanta ka dhacay Degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here