Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen Kaaliyihii G/Maxkamadda Darajada 1-aad ee

0

War kasoo baxay Xarakadda Al-shabaab ayaa lagu sheegay in xalay fidkii deegaanka weydow ee duleedka Magaaladda muqdisho in lagu dilay Kaaliyihii Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Dowladda Federaalka.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey sida shabaab ay sheegeen Cali Shangaani, wuxuuna ahaa  Kaaliyihii guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Dowladda Soomaliya.

Ciidamo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa la sheegay in ay fuliyeen dilka Kaaliyaha islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaliya oo loogu hadlaayo arintaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here