Al-shabaab ayaa baahiyay magaca darawalkii ka xeynayay gaarigii ku qarxay iridada Hore ee madaxtooyadda Soomaaliya habeenkii jimco aheyd.
Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi oo gudaha Xarakada Al Shabaab looga yaqaanay (Anas) wuxuu kamid ahaa raggii fuliyay weerarka.
Shabaab waxay sheegeen in Anas uu meel banaan ah ku daadiyay Ciidamadii shabaab ee madaxtooyadda weerarka ku qaaday, islamarkaana uu fuliyay qaraxii koowaad ee ka dhacay Kontoroolka koowaad ee madaxtooyadda Soomaliya.
Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi wuxuu kasoo jeedaa Beesha Raxanweyn gaar ahaan jufada Boqol hore ee degta gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

