Madaxweynaha Puntland oo Shir Ku Casuumay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali(Gaas) ayaa ku casuumay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada shir ka dhacaya magaaladda Garoowe, 20-ka bisha Maarso ee soo socota.

Warqad ka soo baxday Madaxweynaha Puntland oo aheyd casuumaada shirka oo ay heshay warbaahinta  ayaa loo kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland oo ah Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shirka labaad ee ay isugu imaanayaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada looga hadli doono arrimo quseeya danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa dalka kaga aadan Golaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here