Dowladda Soomaliya oo Sheegtay in La Dilay Labo Sarkaal oo Ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo mareykan ah ayaa galabta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka tooratorow oo Al-shabaab ku lahayeen saldhigyo.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Danab oo ay wehliyaan ciidamo Mareykan  ayaa bartilmaameed ka dhigtay saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen degaanka tooratorow halkaasi oo ay ku sugnayeen Saraakiil iyo Ciidamo  ka tirsan Al-shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidanka Danab ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan islamarkaasi ciidamada ay ka werareen deegaanka tooratorow  labo jiho.

Saraakiisha danab waxa ay xaqiijiyeen in howlgalka lagu dilay laba sarkaal oo ay magacyadooda ku sheegeen Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) iyo Maxamed cumar iyo Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

Labada sarkaal ee lagu dilay howlgalka ayaa Al-shabaab u haayay jagooyinka kala ah Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) oo ahaa sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa wacyigelinta shabellaha hoosehalka ,Maxamed cumar uu ahaa Amniyaadka dilalka qorsheysan ka fuliya shabellaha hoose iyo Muqdisho

Ugu dambeytii saraakiisha ciidamada danab  waxa ay xuseyn dhawaan ay gobolka shabellaha hoose soo gaareyn labada sarkaal ayna ka warhayeen mudooyinkaan dambe

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here