Waaxda Ciidamada mareykanka u qaabilsan howlgalada Afrika ee Africom ayaa waxa ay qirteen in ay ku dileen dhowr shacab iyo caruur iskoolay ahaa intii ay ku guda jireen weeraro ay ka fulinayeen qaybo kamid ah Somaliya.
Weerarka oo dhacay isbuucii lasoo dhaafay ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada gaarka ah ee mareykanka u qaabilsan howgalada afrika iyo ciidamada katirsan kuwa dowladda Somaliya ayaa waxa ay weerar ku qaadeen iskuul la sheegay in alshabaab ay ku tababarayeen.
Dadka weerarkaas ku dhintay qaarkood ayaa waxaa ka soo dhax muuqday caruur ay da’doodu ka yartahay 18 sano jir.
Ciidamada militariga mareykanka ayaa ku andacooday in Al-shabaab ay caruurta iskuulkaasi dhigata barayeen howlo argagaxiso.
Sida lagasoo xigtay qaar katirsan madaxda Al-shabaab-na 4 caruur ah iyo macalinkood ayaa lagu dilay weerarkaas ayadoona goor sii horeysay saraakiil katirsan dowlada Somalia ay ku andacoodeen in wax khasaara ah uusan geesan weerarkaas.
Ciidamada mareykanka u qaabilsan how-galada geeska afrika ayaa horay looga diiwaan galiyay in dad shacab ah ay ku dileen dhowr weerar oo ay ka gaysteen qaybo badan oo ka mid ah Somalia, bishii November baaritaan uu sameeyay wargayska Daily best ayaa waxa uu ku soo ogaaday in Washington ay isku dayday in ay qariso dhimashada 10 shacab soomaali ah oo ku dhintay weeraro ay gaysteen ciidamada mareykanka horaantii bishii August.
Weerar ay ciidamada mareykanku ay gaysteen koonfurta Somalia gaar ahaan deegaanka bariire ayaa waxaa ku dhintay shacab iskugu jira haween iyo caruur taas oo dhalisay in boqolaal Somali ah oo ku sugan deeganaas ay sameeyaan banaabaxyo ay ku dalbanayeen in ay cadaalad helaan dadkii ku dhintay weerarkaas.

