Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay in Magaaladda Cadaado noqonayso xarunta barlamaanka Galmudug.
Kadib shir Jaraaid ay qabteen ayay ku sheegeen in Magaaladda cadaado ay noqonayso Xarunta Baarlaamaanka Maamulka Galmudug.
Sidoo kale Farmaajo iyo Xaaf waxa ay sheegeen in maamulku ku sii shaqeyn doono Cadaado inta laga diyaarinayo Caasimadda Dhuusamareeb.
Goobta looga dhawaaqay arintan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Nabadoonada iyo Waxgaradka Magaaladda Cadaado oo tabasho ka qabay heshiiska Ahlu sunno iyo Galmudug.
Sidoo kale arintaan waxaa fududeeyay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan Abtidoon yare iyo Wasiir Axmed Qoorqoor oo wakiil ka ahaa reer Cadaado.

