Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed oo Al-shabaab Ka Saaray Baar sanguuni+Sawirro

0

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya qeybta 43 Aad iyo kuwa kumaandooska soomaaliya oo ku hubsan gadiidka dagaalka ayaa Al-shabaab ka xureeyay degaanka baar sanguuri oo qiyaastii magaalada kismaayo u jirta 45 km ee gobolka jubbada hoose.

Howlgalka Al-shabaab looga xureeyay Baar-sanguuri ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidamada xoogga dalka qeybta 43 Aad ciidamada kumaandooska soomaaliya iyo ciidamada daraawiishta jubbaland

Taliyaha ciidanka xoogga qeybta 43Aad General cismaaciil Saxardiid oo la hadlay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka soomaaliya iyo kuwa kumaandooska danab ay Al-shabaab ka saareen degaanka sanguuni ee gobolka jubbada hoose

Howlgalka Al-shabaab looga xureeyay degaanka sanguuni ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaro hero kabtar ah oo ay wadteen ciidamo u dhashay wadanka mareynkanka sidaasi waxaa inoo sheegay general saxardiid

Sidoo kale taliyaha qeybta 43 ee Xoogga dalka soomaaliya waxa uu sheegay in dagaalka lagu xureeyay degaanka sanguuni in Al-shabaab looga dilay 7 ciidamo ah iyo 4 sarkaal uu ka mid yahay sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka.

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gadiidka dagaalka oo ay lahayeen Al-shabaab kuwaasi oo taliye saxardiid uu ku sheegay labo gadiid oo ah kuwa dagaalka.

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee dalka looga xureynayo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here