Taliska Qeybta 27aad ee CXD oo Ka Hadlay Howlgallo Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka fuliyeen inta u dhexeyso Jowhar iyo Balcad.

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka oo u warramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maalmahan ay jireen carqaladen ay sameynayeen Al-Shabaab oo gaadiidka isticmaala Jowhar iyo Balcad ay jidka u galeen, balse howlgallo ay ciidamada halkasi ka fuliyeen qasaaro xoog leh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab,  isla markaana ciidan xoog leh la dhigay waddadasi.

Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa beeniyay warar been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, kaasi oo sheegayay in Al-Shabaab ay qabsadeen tuulooyin hoostaga Jowhar, waxaana uu intaa  ku daray in ciidamada ay markasta diyaar u yihiin inay shacabka ka dulqaadaan cadowga ku soo dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here