Xaakim Federaal ah oo ka soo jeeda Gobalka Florida ee dalka mareykanka ayaa sheegay in uu balaarinayo sii joogitaanka Mareykanka 92 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaa oo hay’adda ka hortagista muhaajiriinta mareykanka ay xabsiga dhigtay.
Darrin Gayles oo ah xaakimka maxkamada Magaalada Miami ee Gobalka Florida ayaa horay u soo saaray 19-kii bishii December in ay si ku meel gaar ah dalka mareykanka u sii joogaan 92 qof oo soomaali ah si loo hubiyo dambiyada lagu heysto in ay heleen kaalmooyin caafimaad maadama jirdil iyo xarig loo geestay xili ay ku soo wajahnaayeen dalka soomaaliya kuwaa oo markii dambe diyaaradii siday ay cilad ku timid waxaana lagu dhex xiray diyaarada muddo 24-saac ah iyagoo jeebadeesan magaalada Dakar ee dalka sinigal.
Maalinimadii shalay aheyd ayuu ka damaanad qaaday xaakimka koox u ololeeysa xuquuqda dadka oo mareykanka ka dhisan waxaana uu sheegay in laga warsugo ilaa 22 January ee bishaan.
Darrin Gayles ayaa tilmaamay in 22 January uu go’aansan doono inuu sii damaanad qaado joogitaan dheer waxaana uu xusay in ay dacwad ka gudbiyeen hay’adda dib u dejinta qaxootiga mareykanka.
Qareenada u doodaya dadkan soomaaliyeed ayaa sheegay in muddo labo maalin ah ay ku dhex xernaayeen diyaaradda dhexdeeda, waxaana isku kaadiyay qaar kamid ah dadkaasi.
Bishii December ee sanadii hore ayey aheyd markii diyaaradaan siday 92 qof oo soomaali ah ay gaartay dalka senagal kadibna mareykanka dib loogu soo celiyay waxaana sababta lagu sheegay in shaqaalaha diyaarada ay ahaayeen kuwa daalan.
Lee Gelernt oo ah qareenka u doodaya Soomaalida ayaa sheegay dalka Soomaaliya dagaalyahanada al shabaab ay ka howlgaaan waxaana uu tusaalo u soo qaatay qaraxii 14-kii October ka dhacay sanadii hore ee 2017 oo in kabadan 500 oo qof lagu dilay.
By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

