Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo lala eegtay gaari Cabdi-bile ah oo ay la socdeen Saraakiil iyo Askar katirsan Maamulka degmada deyniile ee Magaaladda Muqdisho.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya in qaraxaasi ay dhimasha iyo dhaawac ku noqdeen ilaa afar askari oo katirsanaa ciidamada booliska degmada deyniile, sida goob joogayaal ay Simba u xaqiijiyeen.
Ilo dadka deegaanka oo Radio Simba la hadlay ayaa sheegay in isku dar dhimashada iyo dhaawaca soo gaartay askarta iyo dadka shacabka ee goobta uu qaraxa ka dhacay ka ag dhawaa ay gaareyso ilaa 7 ruux kadib qarax miino oo lagu aasay agagarka Warshadii hore Taraqa Iyo Sigaarka ee degmada deyniile.
War lagu baahiyay Idaacada ku hadasha Afka Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in qarax miino oo ay Warshadii hore Taraqa Iyo Sigaarka ku aaseen xubnaha Al-shabaab u qaabilsan qarax-yada, in lagu dilay ilaa shan ruux oo iskugu jiro askar iyo saraakiil katirsanaa ciidamada booliska degmada dayniile.
Dhanka kale xiriiro idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ay la sameysay saraakiisha ciidamada degmada dayniile ayaa inoo sheegay inuu jiro khasaare uu geystay qaraxa lala eegtay ciidamada booliska, balse ay dib ka bixin doonaan khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa ka dhacay muqdisho.
Ma ahan markii ugu horeysay uu qarax miino oo ah kuwa dhulka lagu aaso ka dhaco wadada warshadaha ee magaalada muqdisho, waxaana marar badan sidaan oo kale qaraxyo miino lagula eegtay kolonyo katirsanaa ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Somaaliya ee loo yaqaan AMISOM.

