Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Isniin ah xariga kajiri doono garoonka diyaaradaha Garoowe oo muddo ka badan 2 sano uu ka socday dhisme cusub iyo casriyayn lagu samaynayay madaarkaas oo la qorshaynayo inuu noqdo mid caalami ah.
Dhinaca kale Madaxtooyadda Dowlad Gobaleedka Puntland ee Garoowe waxaa xalay ku kulmay Xubno ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaasi oo looga hadlay Arrimo dhowr ah.
Shirkaas ayaa ahaa mid dhinacyadu uga hadlayeen Arrimo dhowr ah, sida xiriirka DFS iyo Dowlad gobaleedka Puntland, iskaashiga iyo arrimo kale oo ku saabsan safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee deegaanada Puntland.
Dhinacyada ayaa isla meel dhigay qorshayaasha la xiriira safarka Madaxweynaha ee Deegaanada Puntland iyo Goobaha iyo Magaalooyinka uu Tagayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa la filayaa in uu booqdo deegaano badan oo ka tirsan Puntland inta uu ku sugan yahay Puntland, Magaalooyinka uu tagayana waxaa ka mid ah Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo isagoona safar dhul ah ku maraya dhamaan Meelahaaas iyo deegaanada u dhaxeeya.sida ay xaqiijinayaan ilo ku adaan dhinaca madaxtooyada
Madaxweyne Farmaajo, ayaa isna xusay inuu booqan doono ilaa dhowr magaalo oo kamid ah Puntland, wuxuuna intaas raacshay inuu la kulmi doono Odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si uu uga waraysto xaaladda guud iyo nabadgalyada.
Wafdigan ayaa lagu wadaa inay sii joogaan magaalada Garoowe ilaa Talaadada soo socota, iyagoo markaas ka dib aadi doona Qardho ilaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

